
Talaado, April, 13, 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay midowga Musharixiinta ayaa lagu qaadacay muddo korarsigii labada Sano ee Golaha Shacabku u sameeyay maalintii shalay dowladda hadda jirta, iyaga oo ku tilmaamay labo sano oo loo diyaargaroobayo doorasho qof iyo cod ah.
newsinsideMidowga musharixiinta ayaa dalbaday in meel looga soo wada jeesto wax ay ku tilmaameen kaligii talisnimada dalka lagu burburinayo.
Beesha caalamka ayeey sidoo kale ugu baaqeen in ay tillaabo ka qaaddo shakhsiyaadka halista ku ah deganaanshaha iyo xasilloonada Soomaaliya.
Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay midowga Musharixiinta.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]