4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 6 , 2020
Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay dagaal ka dhacay duleedka Balcad
 

Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa waxa uu ka hadlay dagaal shalay gelinkii dembe ciidamada kumaandoosta dowladda Soomaaliya ee Danab iyo Al-shabaab ku dhex maray deegaanno hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaallada ayaa ka dhacay tuulooyinka Basra iyo Daniga oo ah tuulooyin istiraatiiji ah, sida uu sheegay wasiirka amniga Hirshabeelle.

Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaan qorshahiisa uu lahaa maamulka Hirshabeelle, islamarkaana la doonayo in lagusoo celiyo amniga waddadaas oo dhowr jeer ooh ore lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka .

“Hirshabeelle ayaa iska leh qorshaha dagaalkaan, waana ka duwanyhay dagaalladii hore, waxaa innaga go’an inaan ku xaqiijinno amniga maamulka “ ayuu wasiirka ammaanka Hirshabeelle u sheegay warbaahinta Muqdisho.

Dhowaan ayuu maamulka Hirshabeelle kala hadlay midowga Afrika iyo AMISOM in laga taageero arrimaha nabad-gelyada , xilli dhowaan la filayo iney dhacaan doorashooyinka maamulkaas iyo tii dowladda dhexe.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]