3/4/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 6 , 2020
Ra’iisul wasaare Rooble oo booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Kuwait


 

Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga waddanka Kuwait ayaa waxa uu booqday safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay waddankaas, waxa uuna ku bogaadiyay shaqaalaha iyo safiirkaba , howsha ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee safaaradda ayaa waxa uu shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta ka howl-gala dalkaas ee Soomaaliyeed uu ka codsaday iney laba jibaaraan , howlaha iyo adeegga safaaradda.

Soomaaliya iyo Kuwait oo ah laba qaran oo kawada tirsan Ururka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta, waxaa ka dhexeeya heshiis wanaagsan iyo xiriir iskaashi oo ballaaran.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu booqasho ku joogaa dalka Kuwait oo ay taallo tacsidii boqorkii waddankaas oo dhowaan geeriyooday, waxayna Soomaaliya kamid tahay dalalka Carbeed ee mas’uuliyiintiisa gaareen dalkaas.

Wararka qaar laga helayo ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegaya in uu tacsida kadib madaxda Kuwait uu kala hadlayo arrimaha deyn cafinta Soomaaliya, sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/6/2020 1:04 PM EST
Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamad Cabdi Waare ayaa kasoo horjeestay jadwalka doorashooyinka ay maanta soo bandhigeen guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka Labaad ee maamulka Hirshabelle.

10/6/2020 9:13 AM EST
Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamanka 2-aad ee Hirshabeelle ayaa waxay maanta soo saareen jadwalka soo xulista xilidhibaannada bedeli doona baarlamanka koowaad.

10/6/2020 8:17 AM EST
Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Ciidamada ammaanka ee degmada Af-gooye ayaa waxay gacanta ku dhigeen laba nin oo ku eedeysan iney qafaashaan gabdhaha yar yar, kadibna ay ku wareejiyaan shabakad carruurta ka ganacsatada.

10/6/2020 7:55 AM EST
Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa waxa uu ka hadlay dagaal shalay gelinkii dembe ciidamada kumaandoosta dowladda Soomaaliya ee Danab iyo Al-shabaab ku dhex maray deegaanno hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

10/6/2020 7:48 AM EST
Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 143-aad Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa waxa uu warbaahinta ciidamada ee SNA radio u sheegay iney dileen laba sargaal oo ka tirsanaa Al-shabaab, kadib howl-gal ciidamada ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ee Koonfur galbeed Soomaaliya .

10/6/2020 4:33 AM EST
Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta, Human Rights Watch, iyo Amnesty International ayaa warqad wadajir ah u diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan sharciga saxaafadda ee wax ka bedelka lagu sameeyay.

10/6/2020 2:07 AM EST
Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto dammaanad-qaadka soo celinta labo dhakhtar ee u dhashay Cuba oo in ka badan sannad ka hor laga afduubay Kenya.

10/6/2020 2:00 AM EST
Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Madaxweyne Mohammed Abdullahi Farmaajo & wefdigiisa ayaa soo gabagabeyeyay booqasho qaadatay labo maalmood oo ay ku joogeen dalka Ereteriya oo ku qotomay wadahadalo balaaran oo ujeedadiisu ahayd sii xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga gobolka & booqashooyinka gobolada Koonfurta & Waqooyiga Badda Cas.