4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Puntland oo xaalad degdeg ah uga dhawaaqday gobolka Bari
 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa xaalad degdeg ah uga dhawaaqday gobolka Bari halkaas oo ay dhibaatooyin culus ka geysteen roobab dabelyo wata oo maalin ka hor ka dhuftay gobolkaas.

Inka badan 70,000 qoys ayaa ku barakacay roobabka kadib markii guryahoodii ay dumeen, waxaana qoysaskaas qaar kamid ah loo daad gureeyay goobo kumeel gaar ah si baxnaano loogu sameeyo.

Ciidamada badda Puntland ayaa qoysaskan u fidiyay gurmad xoogan, kadib markii gaadiidkooda gaashaaman uu kagasoo daad gureeyay iyagoo ku sugan goobihii duufaantu ku dhufatay.

Qoysaskaan ayaa la dajiyay magaalada Bosaso waxaana maamulku isku diyaarinayaa sidii uu kaalmo binuaadanimo loogu fidin lahaa.

Puntland ayaa hay'addaha caalamiga ah ka dalbatay in kaalmo deg deg ah la gaarsiiyo dadkaas.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]