
Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo sida dowladda ugu diyaar garoobayso inay qabato doorasho hufan.
newsinsideRaysal wasaaraha ayaa u sheegay golaha ammaanka in howlaha doorashooyinku marayaan meel wanaagsan islamarkaana guddiyadii loo magacaabay doorashooyinka ay howlo wanaagsan hayaan.
newsinsideRaysal wasaaraha ayaa u sheegay golaha ammaanka in howlaha doorashooyinku marayaan meel wanaagsan islamarkaana guddiyadii loo magacaabay doorashooyinka ay howlo wanaagsan hayaan.
Waxaa uu raysal wasaaruhu hoosta ka xarriiqay in qoondada haweenka ee 30% ah la xaqiijindoono.
” Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%”, ayuu yiri raysal wasaaruhu.
Hadalka Raysal wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf adag ka taagan yahay guddiga doorashooyinka iyadoo murashixiinta mucaaradku dalbadeen in la bedelo dhammaantood.
Hadalka Raysal wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf adag ka taagan yahay guddiga doorashooyinka iyadoo murashixiinta mucaaradku dalbadeen in la bedelo dhammaantood.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]