4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay Roobab duufaano sita oo ka da'ay dhulka xeebaha Puntland
 

Axad, November, 22, 2020 (HOL) - Wararka Hiiraan Online ay ka helayso dhulka xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in khasaare baaxad leh uu ka dhashay Roobab duufaano wata oo saacadihii ugu dambeeyay si aan kala joogsi lahayn uga da’ayay dhulkaas, iyadoo ay u sii dheer tahay in ay hawada ka maqan tahay adeegii isgaarsiinta.

Khasaaraha nafeed ee la ogaaday illaa iyo hadda ayaa ah dhimashada labo qof oo kallumaysato Yemeniin ah, waxaa sidoo kale burbur xoogan uu soo saaray degaano badan oo kaabiga ku hayay xeebaha, kuwaas oo  qeybtood biyaha baddu kusoo fataheen, dadkiina bannaanka uga baxeen.

Meelaha ugu daran ee lagasoo sheegayo khasaaraha ayaa ah, Hurdiya iyo Xaafuun oo baddu ku soo kacday islamarkaana dadkii ku noolaa ay u barakeceen bannaanka magaalada. Badda ayaa sidoo kale la tagtay doonyo kalluumeysi.

Waxaa aad u adag in xog rasmi ah laga helo khasaaraha inta uu le'eg yahay, sidoo kale xiriiro aan la sameynay masuuliyiinta Puntland waxay inoo sheegeen in la wado qiimaynta iyo tiro-koobka khasaaraha jira.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa horey digniin uga bixiyay qatarta ka dhalan karta duufaanaha lasii shaaciyay, balse degaanada duufaanta ku dhufatay oo kuyaala bariga fog ayay meelaha qaarkood adag tahay in xogtu si fiican u gaarto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]