4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Musharixiinta xilka madaxweynaha oo baaq guddiyada doorashada ku saabsan u diray Jubbaland iyo Puntland

 

Axad, November, 22, 2020 (HOL) -Iyadoo wali ay muuqato in musharixiinta xilka madaxweynaha ee garabka mucaaradka ku dhaggan yihiin guddiyada doorashada, ayeey maanta soo saareen baaq la xiriira guddiyada oo ay u dirayaan maamuladda Puntland iyo Juballand.

Qoraal ka soo baxay midowga musharixiinta ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa lagu faray Jubbaland iyo Puntland in ay ka saaraan xubnaha shaqaalaha rayidka ah ee ka tirsan labada guddi ee heer federaal oo ay horay u soo gudbiyeen labadan maamul.

Siddan oo kale horay baaq kan la mid ah ayeey  musharixiinta u dirreen maamul gobolleedyada, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay midowga musharixiinta :

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]