
newsinsideDiyaarada oo aay lahaayd shirkada African Express Airways ayaa waxaa saarnaa 6 qof oo dhamaantood ku dhintay, waxaa laba qof aay ahaayeen Soomaali halka aan wali lashaacin dhalashada dadka kale. Sidaas waxaa VOA u sheegay wasiirka gaadiidka Koofur-Galbeed Hasan Huseen Maxamed.

Masuuliyiinta shirkada African Express ayaa xaqiijiyay in diyaarada aay lahaayeen islamarkaana aay saarnaayeen daawooyin iyo agab caafimaad oo loo waday magaalada Bardaale ee gobolka Baay.
Ilaa hada lama shaacin sababaha keenay dhicitaanka diyaarad, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan, balse maamulka Koofur-galbeed ayaa sheegay inaay wadaan baaritaano ku aadan sababaha keenay dhicitaanka diyaarada.
Hiiraan Online, News Desk