
newsinsideDadkan ayaa u barakacay duleedka Beledweyne gaar ahaan deegaanka Ceeljaale, waxaana saaka la’arkayay dadka oo wata gaadiid aay saaranyihiin alaabta qowska iyo caruurta. Xaafadaha qaar ayaa lasheegayaa inaay biyuhu aay galeen waloow inta badan dadku aay joogaan gudaha magaalada.
Cabsida laga qabo fatahaadaha ayaa ah mid sii kordheeysa, waxaana webiga Shabeelle uu keenay biyo aad u badan. Dadka magaalada ayaa isla dhexmaraya hadal haaynta biyaha badan ee webiga Shabeelle iyo dareenka cabsida ah ee aay ka qabaan.

Maamulka oo kaashanaya bulshada qeybeheeda kala duwan ayaa wada dadaalo lagu xakameeynaayo fatahaada, hasa-ahaatee xaalada ayaa u muuqata mid aan waxba laga qaban karin, maadaama aay sii kordhayaan biyaha webiga Shabeelle.
Injineero kasocday dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegay in xal degdeg laga gaari doono sidii loo xakameeyn lahaa biyaha webiga si looga hortago fatahaadaha, hasa-ahaatee waxaa aay weli wadaan kormeer aay ku sameeynayaan wabiga Shabeelle.
Dadka Beledweyne ayaa sanad walba saameeyn xoogan kala kulma fatahaada, waxaana sanadkii hore ku naf waayay dad ka badan 25 qof halka aay ku burbureen hanti badan, waxaana barakacay guud ahaan dadka magaalada.
Hiiraan Online, News Desk