
newsinsideWasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay iyagoo kaashaneya diyaaradaha dagaalka, in ay maanta Soomaaliya u direen gargaar caafimaad oo deg deg ah.
Sultan bin Saad Al Muraikhi wuxuu sheegay gargarkaan inuu la jaanqaadeyo dadaallada ay ku taageerayaan ka hortagga viruska Covid 19 ee Soomaaliya.
Dowladda Qatar waxay sheegtay inay garab taagneyd Soomaaliya intii lagu jiray cudurka Covid-19.
Bishii May 16-keedii, Sanduuqa Horumarinta Qatar (QFFD) wuxuu ku dhawaaqay gargaarka degdegga ah oo loo soo diray Soomaaliya si ay dadka Soomaaliyeed uga caawiso la dagaallanka cudurka Coronavirus.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]