
newsinsideImtixaanka oo lagu waday in ardaydu ay galaan 06- bisha June ayaa dib loo dhigay, waxaana la shaaciyay in loo fadhiisan doono 11-bisha July sida ku xusan warqadda maanta kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Jubbaland.
Inkastoo maamulkaasi uu khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo dowladda dhexe ee Soomaaliya , haddana ma jirto war kasoo baxay wasaaradda waxbarashada dowladda dhexe oo lagu ayidayo amma lagu diidayo go’aanka maamulka Jubbaland.
Xanuunka COVID-19 yaa waxa uu saameyn ku yeeshay waxbarashada dalka , iyadoo la xiray Iskuulladii iyo Jaamacadihii waddanka guud ahaanba.
