
newsinsideDalka Pakistan ayaa dhawaan dib u furay duulimaadyada, iyadoo taas laga faa’idaysanayo ayaa dowladda Soomaaliya waxay bilowday dalkaas inay kasoo daabusho muwaadiniinteeda oo u badan arday halkaas wax ka barta.
Safiirka Soomaaliya ee Paksitan Khadiijo Maxamed Almaqsuumi ayaa barteeda facebook sidaan kusoo qortay,” Alxamdulilah ilahay bay mahadi dhamaanteed u ahaatay oo inoo fududeeyo inaan dalkooda dib ugu celino muwadiniinteena Soomaaliyeed ee ku xayirmay wadankan Pakistan. ciid wanaagsan.”
Dhawaan ayay ahayd markii muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya dib loogusoo celiyay Soomaaliya.
Boqolaal kale oo Soomaaliyeed ayaa ku xayiran dalka dibadiisa, iyadoo taas sabab ah cudurka Coronavirus oo adduunka kala xidhay.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]