4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2020
Puntland oo maanta laga billaabay mashuurca buufinta Ayaxa


Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Waxaa maanta deegaanka Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ka bilowday buufinta Ayaxa oo ay sameynayaan diyaarado dhowaan lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya islamarkaana hadda ku sugan maamulkaasi.

Qorshaha ayaa waxa uu yahay in ay Puntland buufiyaan muddo toban cisho ah , kadibna waxay usoo gudbi doonaan maamulka Galmudug ee Soomaaliya.

Mashruucan  ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ku taageeraya hay’adda beeraha iyo waraabka Qaramada Midoobe ee FOA iyo hay’adda kale USAID.

Qorshaha xiga ayaa waxa uu yahay in buufinta Ayaxa laga sameeyo Somaliland, Hirshabeelle, Koofur galbeed iyo Jubaland .

Soomaaliya waxaa dhibaato adag oo dhinaca deegaanka ah ku haya Ayaxa koran kora ah , kaas oo si adag u saameeyay deegaanno badan oo ku yaalla dalalka bariga Afrika.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]