4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2020
Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday Ciribtirka COVID-19

Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inuu billowday qorshaha ciribtirka fayruska Covid-19, xilli toddobaadyadii u dambeeyay uu fayruska ku faafay caasimadda Muqdisho iyo gobollada kale.

Wasiirka Warfaafin Soomaaliya,Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye oo wariyaasha kula hadlay xarunta gobolka Banaadir wuxuu sheegay in la billaabayo olole ballaaran oo lagula dagaallamayo fayruska, isagoo marka ku baaqay in si wadajir ah looga qaybqaato ololahaa.

“Ololahaan ayaa laga sameyn doonaa dhammaan Degmooyinka gobolka Banaadir si aan ula dagaallano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed." ayuu yiri wasiir Maareeye oo ah guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Covid-19.

Wuxuu ugu baaqay warbaahinta, culimada iyo qaybaha bulshada in la xoojiyo wacyigalinta fayruska , arrintaa oo uu ku sheegay inay door ka qaadanayso ciribtirka fayruska.

"Waxaan rabnaa dalkeenna inuu noqda midka ugu horreeya ee geeska Afrika oo ciribtira fayruska, taaso noo suragalinaysa in mar kale ganacsigii iyo dhaqaalihii uu dib usoo laabto." ayuu ku daray.

 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay,iyadoo shalay wasaaradda caafimaadka ay xaqiijisay in fayruska ay ka bogsadeen  163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xannuunku haleelay.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]