Khamiis, Maarso, 05, 2020 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Baar oo qiyaastii 22km dhinaca Galbeed ka xigta magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in saakay uu halkaa dagaal xooggan ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.
newsinsideDagaalka ayaa bilaawday kaddib markii ciidamada dowladda ay weerarreen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyada uu iska horimaadku dhaxmaray.
Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira dagaalka saakay ka dhacay dulleedka magaalada Beledweyne.
Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya xalay uu halkaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-shabaab oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ku dagaalamay deegaanka.
Qof ka mid ah dadka deegaanka Ceel Cali ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus islamarkaana uu labada dhinac ay isku adeegsadeen hub kala duwan.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan ka dhacay deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]