
Khamiis,Maarso, 05, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Dowladda Soomaaliya in ay ku soo xadgudubtay madaxbanaanida iyo sharafta dhuleed ee dalkeeda, kaddib markii ay sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya u soo tallaabeen dhinaca Kenya.
newsinsideWar ka soo baxay Madaxtooyada dalka Kenya ayaa lagu sheegay in “xadgudubkan” uu dhacay maalintii Isniinta ee 2-dii bisha March.
Maalintaa ayaa waxaa xuduudda magaalada Mandhera ee Kenya iyo magaalada Beled Xaawo ee Soomaaliya ku dagaalamay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.
Dowladda Kenya ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay burburiyeen hanti ay leeyihiin shacabka Kenya ee degan magaalada Mandhera.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu yiri “ficilkan waxa uu ka dhigan yahay weerar aan loo qiil-dayin oo ciidamo shisheeye ay sameeyeen si loo daandaansado Kenya.”
Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inaysan sal lahayn eedeymaha ay usoo jeedisay dowladda federaalka ee ah in Kenya ay farogelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.
Kenya ayaa ugu dambeyn ugu baaqday Soomaaliya inay joojiso “ololaha gefka ee ka dhanka Kenya iyo daandaansiga aan sababta lahayn, kuna mashquusho arrimaha guda dalkeeda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]