
newsinsideDhameynta khilaafkaan ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah Isimada Puntland ay dadaal xoogan ku bixiyeen in labada masuul khilaafkooda lagu dhameeyo wada hadal iyo isu tanaasul, si khilaafku uusan u gaarin meel fog.
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ballanqaaday inaanu mar dambe soo laabandoonin khilaaf midkaan lamid ah ismaandhaafkii dhacayna aan wax lagasoo qaadin lagana shaqeeyo amniga iyo horumarka Puntland.
Masuuliyiinta Puntland iyo guddiga dhexdhexaadinta ayaa kulanka kadib kasoo muuqday sawir wadareed bixinayay tilmaam ku saabsan heshiiska laga gaaray khilaafka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]