
newsinsideWar qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamanka ayaa lagu sheegay in sababa la xariira xaaladda ay Somaliland mareyso iyo saameynta habsami u socodkii shaqada dowladda uu ku yeeshay COVID-19 darteed dib loo dhigay kalfadhigii furmi lahaa.
Somaliland waxaa si aad ah ugu fidaya xanuunka Coronavirus kaas oo soo ritay dad badan, halka tobaneeyo ruuxna ay u dhinteen.
Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay in laba kamid ah golaha wasiirrada laga helay xanuunkaas, taas oo muujineysa halista ah in cid walba uu haleeli karo COVID-19.
Warqadda lagu sheegay in dib loo dhigay xilligii uu furmi lahaa kalfadhiga Baarlamanka Somaliland, laguma shaacin xilliga kale ee loo qorsheeyay in si rasmi ah loo furo.
