Axad, July 5, 2020 (HOL) - Shirkii dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo qorshuhu ahaa inuu maanta magaalada Muqdisho ka furmo ayaa baaqday. Dowladda federalka oo shirkaan marti galisay kama aysan hadlin sababta uu u baaqday.
newsinsideShirkan ayuu qorshuhu ahaa in loogaga hadlo arrimaha doorashooyinka, amniga iyo xaaladda guud ee waddanka.
Puntland iyo Jubbaland ayaa maalmo ka hor ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka cagajo jiidayo in heshiis siyaasadeed laga gaadho arrimaha doorashooyinka iyagoo ka digay tallaabooyinka uu barlamanku qaadayo in ay caqabad ku yihiin iskusoo dhawaanshaha.
Puntland iyo Jubbaland waxay ka soo horjeesteen meel marinta kuraasta mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare , kaasoo ay ku tilmaameen in aan loo marin waddo sharci ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]