Kenya: 800 macallimiin ah oo shaqadoodii uga cararay weerarada Al-shabaab awgood

 

Khamiis, Feberaayo, 06, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 804 macallimiin ah ayaa uga tagay magaalada Mandheera ee dalka Kenya nabadgelyo-xumo darteed, taasoo gobolka ku tuurtay xiisad kale oo xagga waxbarashada ah.

newsinsideGuddiga Adeegga Macallimiinta (TSC) ayaa bilaabay wareejinta dhammaan macallimiinta aan ka soo jeedin Mandheera, ka dib weerar argaggixiso oo ka dhacay degmada Gaarisa, kaas oo ay ku dhinteen saddex bare.

Mandheera waxay horey u haysatay 1,009 macallin oo aan degaanka ahayn, kuwaas oo dhigayay dugsiyada hoose iyo kuwa sare.

550 macallimiin ah ayaa ka tegey dugsiyada hoose halka 254 ay ka baxeen dugsiyada sare," ayuu yidhi Issak Giro, oo ah Gudiga Waxbarshada ee Degmada Mandera, isagoo raaciyay in yar oo ka hartayna ay sii baxayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]