Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Feberaayo, 06, 2020 (HOL)-Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Taleex ee degmada Hodan.

newsinsideQaraxan ayaa la sheegay in lala eegtay gaari uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya sida ay warbaahinta u sheegeen dad ka agdhawaan goobta uu ka dhacay

Darawalkii waday gaariga ayaa la sheegay in uu qaraxan ku dhaawacmay, sidoo kalena uu jiro burbur gaariga soo gaarey,sida ay  sheegeen goobjoogayaal.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin  qaraxaan,hayeeshee waxaa uu ka mid yahay qaraxyada inta badan ka dhaca  Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]