4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 25, 2020
Booliiska Puntland ee gobolka Mudug oo abaal marin lacageed dul dhigtay shakhsi laamaha amnigu raadinayaan
 

Jimco, December, 25, 2020 (HOL) - Booliiska Puntland ayaa lacag labo kun oo dollar ah dul dhigay xogta nin lagu magacaabo Ibraahim Siidoow oo hay’addaha amnigu ku eedeeyeen inuu masuul ka yahay falal amni darro oo Gaalkacyo ka dhacay.

Qoraal lagu daabacay barta taliska booliiska gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in qoftii soo sheega xog lagusoo qaban karo in lacagtaas lagu abaal marindoono sidoo kalena aan xogtiisa cidna lala wadaagidoonin.

Booliisku ma sheegin inuu ninkani katirsan yahay Alshabab ama cid kale, mana sheegin sabab gaar ah oo uu ku mutaystay in soo sheegida xogtiisa lagu bixinayo abaal marino lacageed.

Waxay arrintan kusoo beegmaysa kadib markii uu dhawaan Gaalkacyo ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay saraakiil ciiddan iyo masuuliyiin horey xilal ugasoo qabtay Puntland iyo Galmudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]