4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 25, 2020
Midowga Musharixiinta oo soo dhawaayay dadaallada dhax-dhaxaadinta ah oo ay wadaan madaxda Galmudug iyo Puntland

 

Jimco, December, 25, 2020 (HOL) -Qoraal ka soo baxay midowga musharixiinta dalka ayaa lagu soo dhaweeyay dadaalka madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ku doonayaa in ay ku soo afjaraan khilaafka ka dhasha doorashada dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri'' Goluhu wuxuu hoggaanka labada dowlad gobolleed ku amaanayaa xilka ay sida gaar ah isaga saareen xal u helida ismari-waaga ku xeeran hergalinta doorashada dalka.

Gaar ahaan qoraalka ayaa lagu bogaadiyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo arintan xil gaar ah iska saaray.

Hoos ka akhriso qoraalka 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]