4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 19, 2020
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambo baxay dalka Jabuuti
 

Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona dacwad ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya oo ku aadan in ay Kenya ku xad gudubtay Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Safarka madaxweyne Farmaajo waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Danjire Yuusuf Garaad Cumar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]