Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowlad-gobolleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo labo maalin uu shir uga socday Muqdisho ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray warmurtiyeed.
newsinsideShirkan oo bile ah ayaa markan lagu soo bandhigay is beddelo cusub, oo ay ugu horreeyo nidaamka canshuuraha oo wax laga beddelayo, hab-qabsiga dhaqaalaha oo wax laga beddelayo iyo canshuur dheerad ah oo la saarayo Qaadka.
Hoos ka akhri warmurtiyeedka shirka;-




Abdisalan Nor Dirie, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]




