Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Janaraal Cabdiqaadir Cali Diiriye "Subxaanyo" oo kamid ahaa saraakiishii hore ciidamada asluubta ee Soomaaliya ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii dhowr maalin ka hor ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
newsinsideWaxa uu sheegay in dagaalkii xabsiga ka dhacay uu yahay dayacaad ka timid saraakiisha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, oo la rabay iney sameeyaan taxadar xooggan iyo feejignaan dheeri ah.
"Waxaa muhiim ah in la ogaado marka hore, ciddii la yiri ilaali qof maxbuus ah in loo dhiibay halis u dhiganta Bombo laga jaray gaanjada oo gacanta loo galiyay " ayuu yiri Janaraal Subxaanyo oo la hadlay VOA-da.
Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya, in laga fakaro bad-qabka maxaabiista iyo sidoo kale nolosha askarta asluubta, si taasi loo xaqiijina waa in askariga ilaalinaya maxaabiista la siiyo mushaar wanaagsan.
Hadalka sargaalkan ka tirsanaan jiray ciidamadii asluubta Soomaaliyeed ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaanka dagaalkii ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online