Jimco, Abril, 10, 2020 (HOL)- Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa shaacisay in kiis cusub oo Ebola ah laga helay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC).
newsinsideKiiskan cusub ayaa laga xaqiijiyay magaaladda Beni, oo ah magaalo xudun u ah cudurkaan oo kutaala bariga DRC.
Bukaanka laga helay cudurka ayaa ku dhintay subaxnimadii Khamiista cisbitaal ka dib markii ay kasoo ifbaxeen astaamaha cudurka dhawr maalmood ka hor, sida ay sheegayso warbixintu.
"Macluumaadka horudhaca ah waxay muujinayaan inuu yahay nin 26 jir ah oo ku noolaa Beni," gudiga waaxda ka hortaga cudurka ayaa ku sheegay bayaankooda.
Kooxaheenna, oo kaashanaya hay'adda WHO, ayaa durbadiiba ku sugnaa goobta si ay u sii ballaadhiyaan baaritaannada ayna u fuliyaan ficillada caafimaad ee dadweynaha, "ayaa lagu yidhi bayaanka.
Ilaa Jimcihii maanta. ma jirin kiisas cusub oo la diiwangeliyay. 17kii Febraayo ee sanadkaan ayaa ugu dambeeyay kiisaska cudurkaan.
Kongo, waxay qorsheeynaysay Axadda inay ku dhawaaqdo dhamaadka soo afjarida cudurka Ebola, kaasoo soo baxay bishii Agoosto sanadkii 2018 ilaa iyo markaasna dilay in kabadan 2,200 oo qof.
"Nasiib darro, tan waxay ka dhigan tahay in dowladda DRC aysan awoodi doonin inay ku dhawaaqdo inay soo afjartay cudurka Ebola. Laakiin WHO ayaa weli ku jirta dhulka oo ka go'an sidii ay weligeedba ula shaqeyn lahayd dowladda, bulshooyinka ay saameeyeen iyo shuraakadeena si loo soo afjaro Ebola,’’ ayuu yidhi Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online