Madaxii Laanta Socdaalka Garoonka Galkacyo ee Puntland oo caawo lagu dilay waqooyiga Gaalkacyo

 

Jimco, Abril, 10, 2020 (HOL)- Cismaan Faray Xuseen Xaaji oo ahaa madaxii laanta socdaalka ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa caawo fiidkii lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

newsinsideDabley hubaysan ayaa sarkaalkaan dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii cishe kadib.

Ammaanka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa faraha kasii baxaya, iyadoo muddo asbuuc kahor halkaas lagu dilay xidlhibaan katirsanaa golaha degaanka degmada Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale maalmo kahor lagu dhaawacay sarkaal katirsanaa wasaaradda maaliyadda Puntland, kadib markii gaarigiisa qarax logu xiray, dhaawac culusna uu kasoo gaaray.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa lagu wadaa inuu magaalada Gaalkacyo gaaro maalmaha soo socda.

Ururka Alshabab ayaa horey u sheegtay dhamaman masuuliyiintii Puntland ee lagu dilay magaalada Gaalkacyo.