4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2019
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la dhisayo waddo isku xirta Baladweyne iyo Garoowe

Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)-  Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday mashaaric waa weyn oo lagu dhisayo waddooyin isku xira gobollada dalka, sida laga sheegay shirka dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka oo muddo saddex maalmood ah kasocday Muqdisho oo uu maanta soo xiray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow.

Muddadii uu shirku socday waxaa dooddo iyo latashiyo lalayeeshay Wasiirada Maamul Goboleedyada sida ugu wanaagsan uguna dhakhsaha badan ee lagu horgalin karo dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka.

Shirka ayaa laga sheegay in waddooyinka la dhisayo ay ka mid yihiin Baladwayne – Gaalkacayo, Gaalkacayo – Garoowe, Gaalkacayo – Hobyo, Iyo Luuq Ganaane – Doolow,iyadoo oo ay shirka ka qaybgaleen Wasiirada Hawlaha Guud ee dowlad- gobolleedyada dalka, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub ,Khubaro iyo Ingineero Soomaaliyeed.

"Waxaa halkan kamuuqanaya oo tani fariin ay u tahay sida ay dhab nooga tahay in aan wadankeen dib u dhisano oo qof walba wixii hore inta meel la iska dhigo aan usoowada jeensano sidii wadanka lagu dhisi lahaa anagoo dhan Wasiiradeena, Agaasimayaasheena & hawl wadeenada... Wasaaradda Hawlaha Guud shaqadadeedo waxaa weeye in wadanka dib u dhisto." ayuu yiri Wasiir Hoosow gabagabdii Shirka.

Gabagabadii shirka ,waxaa lagu kala saxiixday heshiiska dhismaha wadooyinka wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow ayaa saxiixay waxa uuna xusay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dhismaha Waddooyinku.

Sidoo kale ,Wasiir Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu isla maanta saxiixay heshiis deeq ay dowladda Talyaanigu kaga qayb qaadanayso dhismaha wadooyinka isku xira gobolada. Waxaa uu shir laqaatay safiirka dowlada talyaaniga ee soomaaliya, madaxa haayadda horumarinta talyaaniga & bangiga horumarinta Afrika.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]