4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay weerarkii Masjidka New Zealand

 

Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku biiray Madaxda Caalamka ee cambaareysay weerarkii argagaxiso ee Maanta oo Jimce ah lagu qaaday Masaajidyo ay ku cibaadeysanayeen dad Muslimiin ah dalka New Zealand.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayaa uu tacsi ugu diray ehelada dadkii Muslimiinta ahaa ee lagu dilay weerarkii ka dhacay magaalada  Christchurch ee dalka New Zealand.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixisada ee naxdinta leh ee ka dhacay Magalada Christchurch, ee dalka New Zealand, kaas oo loo geystay dadka muslimka ah ee cibaadeysanayey, waxaana ku garab istageeynaa dowladda New Zealand iyo bulshada Muslimiinta sidii ay uga gudbaan dhibaatadaas.Waa inaanu midownaa argagixisada dhammaan ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Weerarkii Jimcaha Maanta lagu qaaday laba Masaajid oo ku yaalla Magalada Christchurch ee dalka New Zealand, ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 50 Ruux halka dhaawacuna uu ka badan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]