4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo maanta shaacisay ahmiyadda sharciga dakhliga iyo dhiirigalinta canshuur bixiyaha


Isniin,December, 30, 2019 (HOL)- Wasaaradda maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu shaacinayay ahmiyadda sharciga dakhliga iyo dhiirri-galinta canshuur bixiyayaasha.

Waxaa xafladan kasoo qeyb galay Madax katirsan Wasaaradda Maaliyada, aqoonyahanno, ganacsato, culima'awdiin, Haweenka iyo marti Sharaf kale, waxayna goob joog u ahaayeen bandhiga faa’idooyinka sharciga dakhligu u leeyahay dalka iyo dadka.

Wasaaradda maaliyadda waxay soo bandhigtay kororka uu sameeyay dakhliga gudaha muddooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo caddeysay inay sabab u tahay canshuuraha gudaha iyo ganacsatada oo fahmay ahmiyadda canshuur bixinta.
Masuuliyiinta wasaaradda ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo shacabka sida wanaagsan ee ay u bixyaan canshuuraha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdulaahi Sheekh Cali (Qolocoow), ayaa ka dhawaajiyay inay wasaaradda maaliyaddu guul u tahay inay dadweynaha Soomaaliyeed usoo bandhigto horumarka laga gaaray ururinta daqliga gudaha.

Wasiir Qolocoow wuxuu sheegay inuu kordhay daqliga gudaha ee dowladda, kaasoo uu sheegay inuu ka caawinayo dowladda in ay ka maaranto ku tiirsanaanshaha mucaawinada dibada laga helo.

Inta ay socotay munaasabadan ayaa waxaa hab sugaaneed loogu soo bandhigay ahmiyada ay bixinta canshuurtu u leedahay marka laga hadlayo wax ka qabashada dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Amniga, Waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha.

Munaasabada intii ay socotay waxaa shahaadooyin isku jiray abaalmarin iyo dhiirri-galin lagu gudoonsiiyey qaar ka mida ah ganacsatada Soomaaliyeed, Agaasimiyaasha waaxaha dakhliga, canshuuraha iyo howlwadeenada ka shaqeeya qeybaha kale Maaliyadda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii octobar ee sanadkaan saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga dalka, sharcigaas oo ah mid la jaan qaadi kara habka casriga ee dunida ee lagu maareeyo bixinta iyo qabashada canshuuraha.

Abdiweli M. sheikh, Hiiraan Online
[email protected]