4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Ururka Al-shabaab oo goor dhaw sheegtay mas'uuliyada Qaraxii maalin ka hor ka dhacay Ex Kootarool Afgooye

 

Isniin, December, 30, 2019 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa maalin kaddib goor dhaw sheegtay in ay ka danbeeyeen Qaraxii 28kii bishan Sabtidii ina dhaafay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Qoraal goor dhaw lagu baahiyay Bogga Ururka uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka Qaraxaasi uu ahaa gaadiid ay la socdeen shaqaale Turkish ah iyo Ilaalo la soctay.

Laakiin Qoraalka kama uusan hadlin khasaaraha kale ee soo gaaray dadka rayidka iyo dhmashadii baahsaneyd ee ka dhalatay Qaraxan marka laga soo tago shaqaalaha Turkiga ee ku geeriyooday.

Sidoo kale sheegashada Al-shabaab ayaa imaneysa xili isla maanta War ka soo baxay hay'adda Nabad-sugida Qaranka lagu sheegay in Qaraxaasi qorshihiisa laheyd dowlad shisheeye oo aysan magaceeda sheegin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]