Gudoomiye Baashe “Ramaax aniga dacweeyey waxaanu warbaahinta ka sheegay inaan la shaqeeyo cadowga Somaliland”
Isniin,December, 30, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu cafiyey xoghayihii arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Ramaax ka dib markii salaadiintii Ramaax ka socota ka dalbatay inuu siidaayo.
Gudoomiye Baashe ayaa sheegay
inuu dacweeyey Siyaasi Ramaax ka dib markii uu warbaahinta ka sheegay eeddo
culus oo ay ka mid ahaayeen inuu gudooomiyaha Baarlamaanku la shaqeeyo cadowga
Somaliland, taasina ay keentay inuu dacweeyo Ramaax si uu u cadeeyo hadalkiisa
isaga ku saabsan.
Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax
oo sababta uu u xidhan yahay Ramaax ka
hadlaya waxa uu yidhi “Ramaax aniga
dacweeyey waxaanu warbaahinta ka sheegay inaan la shaqeeyo cadowga Somaliland,
aniguna waxaan ahay gudoomiyihii Baarlamanka hadii aan cadow la shaqaynayo waa
inaan xilka ka dego, aniga xeer ilaalinta waraaq u qorey oo ku idhi waxa la igu
eedeeyey inaan cadowga Somaliland la shaqeeyo, waxaan doonaya in la igu soo
cadeeyo in arrinkaasi jiro iyo in kale, xeer ilaalintuna waxay usoo gudbisay
booliska, booliskuna way baaadheen sidaas ayuu ku xidhan yahay, kursigayga in
wax laga sheego waxba uma arko laakin shakhsiyadayda in wax laga sheego ma
ogoli ”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in
salaadiinta siyaasi Ramaax ka codsadeen inuu cafiyo, waxaanu yidhi “Waxa ii
timid salaadiintii Ramaax oo iga dalbatay inaan cafiyo, anna waxaan waydiistay
inuu raaligalin la iga siiyo arrinkaasina dib dambe aanu u dhicin, sidaas baan
ku saamaxay Ramaax.”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.