4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Hay'adda NISA'' Qaraxii Ex Kootarool Afgooye qorshihiisa waxaa lahaa Dal shisheeye

 

Isniin,December, 30, 2019 (HOL)-War kooban oo ka soo baxay hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii 28kii bishan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye uu qorshihiisu lahaa Dal shisheeye laakiin qoraalka laguma sheegin magaca dalkaasi

Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in Qaraxaas ay ku lug leedahay Dowladd Shisheeye balse ay sheegin dowladadaas.

“Waxaan madaxda Qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho,  28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baaritaanka socda si  loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka  qaarkiis ayaa lagu yiri Warka NISA.

Sidoo kale Hay’adda NISA waxaa ay ku sheegtay qoraalkeeda si loo dhameystiro baaritaanka ay wadaan ay la kaashan doonaan sirdoonka Hay’ado Caalami ah.

Mas'uuliyada Qaraxan oo u muuqaal ekaan habka loo soo qorsheeyay kii 14kii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe wali mas'uuliyadiisa cidna ma sheegan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]