4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Qof ka mid ah dadkii dhaawacyadooda loo qaaday dalka Turkiga oo geeriyooday

 

Isniin, December, 30, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ay geeriyootay qof ka mid ah dadkii dhaawacyada ahaa ee shalay laga qaaday magaalada Muqdisho,

Qofka dhintay oo Dumar aheyd ayaa magaceeda lagu sheegay Aamina Cusmaan Kheyre waxaana ay ka mid aheyd dadka qaba dhaawacyada culus ee wax-yaaladu ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Ex Koontarool Sabtidii toddobaadkan.

Dhaawacyada xalay laga dajiyay dalka Turkiga ayaa loo qeybiyay ilaa Afar Isbitaal oo ku yaala magaalada Ankara.

Dowladda Turkiga ayaa dadaal weyn ku bixisay gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana shalay u soo dirtay Muqdisho diyaarad qaas ah oo loogu tala galay in xaalada dhaawacyada lagula tacaalo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]