4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Madaxweyne Erdogan"Waan Cambaareynayaa Qaraxii dadka Shacabka ah ay ku dhinteen ee Muqdisho

 

Isniin, December, 30, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in uu dowladdiisu siweyn u cambaareyneyso Qaraxii galaaftay nolasha in ka badan 100 ruux u badnaa dad rayid ah oo ka dhacay maalin ka hor magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan oo qoraal soo dhiggay boggiisa Twitter –ka ayaa sheegay in dowladda Turkiga iyada oo arintaa ka jawaabeysa u dirtay magaalada Muqdisho diyaarad sidday howladeenno caafimaad iyo shixnado Daawo ah oo dadka lagula tacaalo, iyadoo dhinaca kalana dowladda Turkugu gudaha dalkeeda ku soo daweyneyso dadka qaba dhaawacyada culus.

‘’Waan cambaareyneynaa waxaa uu ahaa Qarax lagu xasuuqay dad aan waxba geysan, dowladda Soomaaliya waa in ay xoojisaa nabadgalyada si looga hortago dhibaatada shacabka soo gaareysa’’ ayuu yiri madaxweynaha dalka Turkiga.

Qaraxa Sabtidii toddobaadka ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa waxaa dadkii ku nafwaayay ka mid ahaa Labo ka mid ah Injineerrada Turkiga oo isla shalay meydkooda loo duuliyay dalka Turkiga

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]