4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2019
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Isniin, December, 30, 2019 (HOL)- War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeymo dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Qoraalka ka soo baxay Taliska Africom ayaa lagu yiri’’ Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadooda Soomaaliya ay 29-kii Bishan Saddex  Duqeyn oo ay fuliyeen oo laba ka mid ah ay la beegsadeen xarumo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunya-Barow  halka midka kale ay ka fuliyeen deegaanka Caliyoow Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeymahaaa ayaa sheegeen sidoo kale in ay ku burburiyeen Gaadiid oo mid ka mid ah lagu dilay Labo Sarkaal oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab , balse ay sheegeen in duqeyntaas aysan waxba ku noqon dad rayid ah.

Madaxa ciidamada Mareyknaka ee Africom William Gayler, oo ah madaxa howlgalada Ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa yiri “Tan iyo weerarkii ugu horreeyay ee Al-Shabaab ee sanadkii 2010, kooxdu waxaa ay si naxariis darro ah u dishay boqolaal isugu jira la-hawlgalayaasha Afrikaanka ah ee AMISOM iyo xulafadooda,Shacab iyo dadka kale Waana khatar Caalami ah.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]