3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2019
Shir u furmay Wasaaradaha Boostada heer Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

 

Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena. 

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee  Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan  Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa  sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad  ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u  rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka.

Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. C/laahi Bile Nuur, ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya.

Ugu dambeyntii Madaxweyanaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay maskaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
8/13/2019 10:48 AM EST
Talaado, August, 13, 2019 (HOL – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa hadlay kulan ku dhexmaray Sucuudiga weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland iyo wefti ka socda Soomaaliya oo wasiiro ka kooban, waxaanu madaxweyne Biixi ku eedeeyey inuu isagu samaynayo wixii uu dadka ku caayi jirey.

8/13/2019 6:32 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo goor dhaw waxaa lagu soo gabagabeeyay dhaarinta xildhibaannada cusub oo ay xalay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

8/13/2019 5:41 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee koonfurta galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

8/13/2019 3:09 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Guddi doorasho oo ay magacaabeen musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland ee isbadal doonka ayaa soo saaray liiska xildhibaanno ay ku sheegeen in ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

8/13/2019 2:13 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia kulan is arag ah oo aan horey loo sii qorsheyn ku yeeshay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo halkaa u wada joogay gudashada Acmaasha Xajka.

8/13/2019 1:54 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Baydhabo ee xarunta Ku-meel-gaarka u ah magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xassan oo lagu wado in uu maanta ka furo halkaa shir wadatashi ah oo u dhaxeeyaWasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada.

8/13/2019 1:40 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Musharixiinta xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa qaadacay islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay liiska xildhibaannada cusub Jubbaland oo xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.