4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2019
Gudoomiyaha xisbiga WADDANI oo ka hadlay kulanka Sucuudiga ku dhexmaray weftiga madaxweynaha Somaliland iyo wasiiro ka socda Soomaaliya

 

Talaado, August, 13, 2019 (HOL – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa hadlay kulan ku dhexmaray Sucuudiga weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland iyo wefti ka socda Soomaaliya oo wasiiro ka kooban, waxaanu madaxweyne Biixi ku eedeeyey inuu isagu samaynayo wixii uu dadka ku caayi jirey.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ficilka madaxweynuhu tilmaamayo Soomaali weyntii uu dadka ku eedeen jirey inuu isagu waddo.

“Soomaalidu waxay tidhaahda inaad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daa, shacabka Somaliland waa reer Somaliland, anigu qoladaasi odhan maayo waa soomaali weyn laakiin waxay ka muuqata ficilkoodda, wixii ay dadka ku caayeyeen inay iyagu sameeyaan ceebay ku tahay.”ayuu yidhi gudoomiye Cirro.

Weftigii uu hogaaminayey madaxweyne Biixi iyo wefti wasiiro ka kooban oo ka socda dawladda Soomaliya ayaa arkay iyagoo sawiro kuwada jira, kuwaas oo baraha bulshadda ka dhexdhalisay dood, maadaama oo baryahan dambe xaaladda Somaliland iyo Soomaaliya aad u kala fogaayeen oo hawadda la isku marinayey hadalo dhinacba dhinaca kale ku durayo.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay komishanka doorashooyinka ee ahaa inay doorashaddu wakhtigeedii dib uga dhacayso, waxaanu yidhi “horta doorashadu way qabsoomaysa inay komishanku shacabka soo hor istaagaan oo yidhaahdaan doorasho dhici mayso taasi sax may ahayn, farsamo ahaan way kordhi kartaa mudadda lagu qabanayo doorashadda, arrintuna hadda raadkii doorashada ku dhici lahayd ayey qaaday hadda, baarlamaanka waxa u yaalla in la kordhiyo komishanka oo ay xilka la wareegaan kuwo cusubi 15 octobar ka hor hadii wakhti loo baahdo waa wax laga wada hadli karo weeyi, laakin waxaanu ku talogalayna inay doorashadu wakhtigoodii qabsoomaan hadii laga maarmi waayo komishanka dembe ka hadli doonaa”.

Sidoo kale, waxa uu tacsi udirey dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii shalay ka dhacday Ceel afweyn ee dabley hubaysani ku laysay dad shacab ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.