Isniin, November, 19, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, ku xigeennadiisa, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’uud.
Wafdigii uu horkacayay Madaxweynihii hore oo ay wehlinayeen mudaneyaal ka tirsan labada aqal ee baarlamanka dalka ayaa salaam kadib waxaa ay warbaahinta kula hadleen qeybta nasashada ee garoonka.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay wafdiga, isagoo uga mahadceliyay madaxweynihii hore shaqooyinkii uu qabtay oo ay ugu horeeyso dardargelintii dhismaha dowlad goboleedyada dalka.
newsinsideMadaxwynihii hore mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay bulshada reer Jubbaland gaar ahaan reer Kismaayo sida ay usoo dhaweeyeen, isagoo sheegay in ay muuqato isku duubni iyo wadajir bulsho weynta reer Jubbaland dhexdooda ah, taasoo uu sheegay in ay tahay arrin aad loogu farxo, wuxuu dhanka kale sheegay in hannaanka federaalka Soomaaliya uu marayo meel wanaagsan, isagoo xusay in loo baahanyahay in la dardargeliyo wadashaqeynta dowladda iyo dowlad goboleedyada.
Dowlad goboleedyada ayuu sheegay in uu ka warqabo in ay heystaan dhibaatooyin dhaqaale iyo mid amniba, balse waxa uu xusay in laga gudbi doono caqabadaha jira.
Waxa uu sheegay in hannaanka federaalka ee dalka ka jira uu yahay mid loo arkay in uu dan u yahay dalka, islamarkaana ku yimid rabitaanka shacabka oo aysan cid gaar ah wadan, waxa uu sheegay in loo arkay in uu yahay wadada keliya ee dib loogu soo celin karo is aaminaaddii iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, sidaa darteed ay muhiim tahay in la ilaaliyo.
Ugu danbeyntii, waxa uu kula dardaarmay bulshada reer Jubbaland in ay ka shaqeeyaan midnimada dhexdooda ah si ay u horumariyaan deegaanadooda.
Mudane Xasan Sheekh Max’uud faahfaahin dheeraad ah kama bixin waxa uu ku qotomo safarka uu ku yimid Kismaayo, balse masuulkan ayaa ah gudoomiyaha xisbiga Midowga nabadda iyo horumarka oo kamid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka.
Magaalada Kismaayo waxaa mudooyinkii u danbeeyay soo gaaray siyaasiyiin kala duwan ooh hore usoo qabtay xilal. Dhawaan ayay ahayd markii uu magaalada soo gaaray raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Max’ed Geeddi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Mudane Xasan Sheekh Max'uud oo sheegay in loo baahanyahay in la ilaaliyo hannaanka federaalka ee dalka
More News
- Golaha wasiirrada Jubbaland oo ansixiyay xeerka gudiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland
- Injineeradii dhismaha dekedda Garacad oo deegaanka gaaray
- Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo maalinta berri ah la fasaxay
- Maamulka gobolka Banaadir oo daah furay Mashruuca horumarinta iyo shaqo abuurka Gobolka
- Guddoonka Baarlamaanka oo guddiga faray in la kordhiyo miisaaniyada Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed
- Guddiga doorashada Koonfurgalbeed oo guddoomiye Doortay
- Eng. Maxamed Cismaan CaliMaad oo maanta Gaalkacyo kaga dhawaaqay inuu u sharaxanyahay xilka madaxweynaha Puntland
- Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland
- Wax is-daba-marin lagu eedeeyay hay'addaha dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir
- Askari hore Kismaayo ugu dilay Nabadoon oo la toogtay [Sawirro]
- Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin
- Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti “Calankeenii baa Safaarada ka taagan
- Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga
- Xasan Sheekh oo booqanaya Kismaayo
- Madaxweyne Farmaajo oo martiqaad ka helay dowladda Talyaaniga
- Trump : Ma dhageysan doono cajaladda laga duubay Jamaal Khashoggi
- Dhakhaatiir Soomaali ah oo Isbitaal weyn ka hirgaliyay Ohio



