4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2018
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo booqday xalay xeryo ciidan

 

Axad, November, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay booqday xerooyin dhowr ah oo ay ku xareysan-yihiin ciidamo kala duwan oo tababar uu socdo 

Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehlinayay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Kheyre ayaa socdaalkiisa ku soo gabagabeeyay dugsiga tababarka Jen Kaahiye ee (Iskuul Boliisiyo) oo uu kula hadlay ra’iisal wasaaraha ciidamo loo diyaarinayo in ay qeyb ka noqdaan sugida amniga magaalada.

Booqashada ra’iisal wasaaraha ayaa imaneysa iyadoo shaki badan laga muujinayo amniga caasimada oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhaceen qaraxyo galaaftay nolasha dad rayid ah iyo dilal lagu beegsaday dad rayid ah iyo shaqaale dowladdeed isugu jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]