4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2018
Aqalka Cad ee Mareykanka oo sheegay in aan wali la soo afjarin baaritaanka dilkii Jamaal Khashoggi

 

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – War ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ee maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa lagu beeniyay warbixintii CIA da Mareykanka ee la xiriirtay dilkii Wariyihiin u dhashay dalka Boqortooyada Saudi Arabia ee Jamaal Khashoggi.

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in baaritaan kaddib ay ogaadeen in amarka lagu dilay Wariye Khashoggi uu bixiyay dhaxal sugaha Boqotooyada Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Laakiin Wasaarradda arrimaha dibedda dalka Mareykanka ayaa sheegay in wali aan la gaarin gabagabada baaritaanka lagu hayo sida uu dilku u dhacay iyo cidda ka danbeysay, taasoo macnaheedu noqonayo in warka ka soo yeeray hay’adda Sirdoonka uusan aheyn mid quseeya dowladda Mareykanka.

Waxay u muuqataa in Aqalka Cad iyo hay’adda sirdoonka Dalkaasi Mareykanka ay kala hadlayaan oo ay isku si u arkin baaritaankaasi.

Mareykanka ayaa u muuqda mid sameynaya dib u gurasho siyaasadeed, isaga oo ka soo horjeeda in markiiba dilka wariyaha dusha laga saaro Boqortooyada, gaar ahaan Amir Maxamed Bin Salmaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]