Isniin, November, 12, 2018 (HOL)- Waxaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in la damiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) subaxnimadii hore ee saakay.
newsinside Agaasimaha guud ee Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in gar ahaan dabka uu qabsaday sida uu hadalka u dhigay qeynta keydka afafka qalaad, isaga oo intaa ku daray in qeybaha kale ee keydka wax saameyn ah ku yeelan dabkan.
Khasaaraha ka dashay dabka ma badna sida uu sheegay agaasimaha, waxaana socda baaritaan la xiriira saameynta u geystay iyo waxa sababay dabkan intaba.
Dabka ayaa imanaya iyadoo arroonimadii hore ee saakay sidan oo kale uu dab ka ka kacay maqaaxi ku taala qeybta duulimaadyda caalamiga ah ee garoonka diyaarada Aadan Cadde magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]