Isniin, November, 12, 2018 (HOL) -Diyaaradda Kenyan Airways ayaa duulimaadkeeda ku fidin doonta Geeska Afrika,waxayna howlgal duulimaad ah ka bilaabi doontaa Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018.
Duulimaadyadu ayaa waxaa ay u shaqeyn doonaan si maalinle ah,waxayna Kenya arrintaan kaga gol leedahay iney kor ugu qaado xiriirka hawada ee Afrika ee isku xira magaalooyinka iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa dadka, si markaa loo xoojiyo xiriirka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Afrika.
Duulimaadyadu ay ayaa ka baxaya Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo
Kenyatta (JKIA), Nairobi saacadda 07:40, sidoo kalena diyaarada waxay
dib kaga soo ambabaxeysaa Garoonka Caalamiga Aden Adde, Muqdisho 10:45
si ay ugu soo laabato magaalada Nairobi 13:00.
Madaxa shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz ayaa sheegay in
duulimaadka maalinlaha ah la doonayo in lagu daboolo baahida sii
kordheysa ee socdaalka Soomaaliya, saraakiisha dawladda iyo hay’adaha
aan dawliga ahayn ee (NGO-yada) iyo tirada sii kordhaysa ee ganacsatada
Kenya iyo gobalka oo doonaya iney ka faa’ideystaan fursadaha bannaan ee
dalka.
Sebastian Mikosz,ayaa sheegay iney doonayaan muujinta sida ay
shirkadooda duulimaad uga go’an tahay isku xirnaanta qaaradda
Afrika,iyagoo abuuraya fursado cusub oo loogu talagalay
maalgashadayaasha ganacsatada iyo dalxiisayaasha Soomaaliya.
Ugu danbeyntii,diyaaradda Kenya Airways ayaa la rajeynayaa iney
fududeyso socdaalka labada magaalo oo ah Nairobi iyo Muqdisho oo ah
xarumaha ugu muhiimsan ee ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya iyo in la helo
howlo ganacsi oo dhaq dhaqaaq leh.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]