
Sabti, May, 26, 2018 (HOL) –Madaxweyne ku-xigeenka maamul gobolleedka Galmudug Maxamed Xaanshi Carabey ayaa sheegay in uu jiro sida uu hadalka u dhigay kala aragdi-duwanaan u dhaxeysa mas’uuliyiinta ugu sar sare Galmudug.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir oo wada socda ayaa la sheegay in ay maanta ka degeen degmada Cadaado oo horay u aheyd xaruntii KMG Galmudug, dhawaanna uu maamulku uga soo wareegay degmada Dhuusa-mareeb.
Labada mas’uul ayaa sheegay in la jebiyay qodobo ka mid ah heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay degmada Cadaado, iyadoo magaalada ay gashay saan saan siyaasadeed oo la mid ah tii sanadkii hore ka jirtay ee ka dhalatay xil ka qaadis Xubno ka tirsan Baarlamaanka oo ay horkacayeen Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku sameeyeen Madaxweyne Xaaf.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wada hadalo lagu xalinayay khilaafka beryahan taagnaa oo ka socday Muqdisho uu guuldareystay.
Dhinaca kale madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaaa lagu wadaa in uu Dhuusa-Mareeb uga dhawaaqo gole cusub oo yeelan doono maamulka Galmudug.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]