Trump oo ka dhawaajiyay suurtagalnimada kulan dhaxmara isaga iyo hogaamiyaha Wooqyiga Kuuriya



Sabti, May, 26, 2018(HOL)–Maalin un kadib markii Trump uu shaaciyay in gabi ahaanba uu ka baxay wadaxaajoodkii uu la yeelan lahaa Kuuriyada Waqooyi ayuu maanta markale sheegay in ay suurogal tahay in wadaxaajoodkaasi dib u bilowdo.

Trump ayaa maalintii Jimcaha sheegay in wadaxaajoodka oo la qorsheeynayay in 12 June uu ka furmo Singapore ay suurogal tahay in uu dhaco, kadib markii Kuuriyada waqooyi ay sheegtay in ay diyaar u tahay wadaxaajoodka ayadoo Trump uu baajiyay.

Trump ayaa warka kasoo yeeray Waqooyiga Kuuriya ku tilmaamay in ay ahayd oraah aad u wanaagsan.

“Waan la xaajoon doonnaa hadda, aad ayay u daneeynayaan in aan sameeyno, waxaanna dooneeynaa in aan fulinno,” ayuu yiri Trump.

“Waynu arki doonnaa waxa dhaca, waxayna dhici karaan 12,-ka” ayuu raaciyay.

Hadalka kasoo yeeray masuulkan ayaa imanaya ayadoo la filayay in madaxweyneyaasha Mareeykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay oo ku saabsan Nuclearka dalkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.