3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2018
Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ka socda magaalada Muqdisho

 

Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) – Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in iska horimaad xoog leh oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda uu ka soconayo Agagaarka Haanta dheer iyo Xero 77 ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan halka ay dirirtu ka socto ayaa Hiiraan Online u sheegay in la maqlayo rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo dhinac oo ka wada tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo ku muransan dhulal halkaas ku yaalla oo lakala xooggay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kale ay ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dagaalameen aaggaas.

Dagaalka ayaa imanay iyadoo xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada Muqdisho uu cirka isku shareeray, waxaana maalmihii la soo dhaafay soo galayay magaalada ciidamo fara badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/5/2018 3:01 PM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) – Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, xaaladaha bani’aadanimo iyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho.

4/5/2018 12:00 PM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL)-Laba Wiil oo dhallinyaro ah oo Garoowe u tagay Paasopooro ayaa la sheegay inay ku afduuban yihiin magaaladaasi ka dib markii koox deegaanka ahi u qabsadeen labadaasi wiil in loo soo daayo nin ku xidhan xabsiga Burco ee gobolka Togdheer.

4/5/2018 9:41 AM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) - Baarlamaanka Uganda ayaa u yeereen Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, si wax looga weydiiyo weerarkii ururka Al-shabaab 1-dii bishan ay ku qaadeen fariisin Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degaanka Buula Mareer oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

4/5/2018 5:37 AM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL)–Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo xalay khudbad ka jeediyay munaasbad lagu xusayay 5 sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii Jubbaland ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay baarlamanka dowaldda Soomaaliya.

4/5/2018 5:02 AM EST
Arbaco, April, 05, 2018 (HOL) – Golaha Ammaanka oo Arabacadii shalay yeeshay kulan ayaa waxaa ay falanqeeyeen weerarada xoogagga ururka Al-shabaab ee ka dhanka ah fariisimaha ciidamada Midowga Afrika ee AMIOSM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

4/5/2018 2:55 AM EST
Arbaco, April, 05, 2018 (HOL)–Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliyeyaasha ciidamada aanay dhex dhexaad ka aheyn xaalada siyaasadeed ee uu dalka galay.

4/5/2018 2:42 AM EST
Arbaco, April, 05,2018(HOL)–Waxaa wali xiran Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho Soomaaliya, waxaana jira ciriiri ka dhashay wadooyinkan xiran.

4/5/2018 1:01 AM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL)–Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Australia ayaa waxa ay sheegtay wadamada Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo Iran in ay ka saartay Liiska waddamada ka faa’ideysan kara mashruuca Bani’aadamnimo ee dadka soo galootiga ah ee ay dib u dejinta u sameeyaan.

4/5/2018 12:40 AM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL)–Taliyaha ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa ka hadlay dhacdadii shalay ee xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay in uu baaqdo kulankii Baarlamaanka.