3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2018
Xildhibaanno dalbaday in dib loo soo celiyay ciidamadii Ilaalada u ahaa guddoomiye Jawaari

Arbaco, April, 05, 2018 (HOL) –Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliyeyaasha ciidamada aanay dhex dhexaad ka aheyn xaalada siyaasadeed ee uu dalka galay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ilaaladii Guddoomiye Jawaari la xiray, taasna ay tahay arrin xadgudub ku ah xurmadiisa, waxaana ay ku baaqeen in loo soo celiyo ciidamadii laga qaaday.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Xukuumadda in ay faraha kala baxdo arrimaha baarlamaanka, isla markaana ay sii qaadeyso tallaabooyin xaalada uga sii dari karta.

Xildhibaanadan ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay Guddoomiye Jawaari ee ahaa in uu xerada qabsaday, hase ahaatee taa bedelkeed waxay sheegeen in boqolaal ciidamo ah ay dowladda ku soo daadisay waddooyinka iyo gudaha xarunta baarlamaanka.

Waxaa ay sheegeen in ciidamadii booliska ee gudaha xarunta baarlamaanka ku jiray ay watene bastoolado iyo kantiinado, taasoo looga gol lahaa in lagu jeebeeyo xildhibaanada sida ay hadalka u dhigeen.

Ilaalada Guddoomiye Jawaari ayaa lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen arbushaadii shalay ka dhacday Baarlamaanka, kaddib markii iyagoo hubeysan ay galeen, waxaana ciidamada ilaalada qaarkood la xiray, kuwa kalena lagu amray inay xarunta ay ilaalinayaan ka soo tagaan.

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa cirka isku shareertay, waxaana wali la helin wax xal ah, iyadoo labada dhinac ay hawada isu marinayaan hadalo culus.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia













Click here
4/5/2018 3:01 PM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) – Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, xaaladaha bani’aadanimo iyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho.

4/5/2018 12:09 PM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) – Wararka xiligan naga soo gaaraya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in iska horimaad xoog leh oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda uu ka soconayo Agagaarka Haanta dheer iyo Xero 77 ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

4/5/2018 12:00 PM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL)-Laba Wiil oo dhallinyaro ah oo Garoowe u tagay Paasopooro ayaa la sheegay inay ku afduuban yihiin magaaladaasi ka dib markii koox deegaanka ahi u qabsadeen labadaasi wiil in loo soo daayo nin ku xidhan xabsiga Burco ee gobolka Togdheer.

4/5/2018 9:41 AM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL) - Baarlamaanka Uganda ayaa u yeereen Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, si wax looga weydiiyo weerarkii ururka Al-shabaab 1-dii bishan ay ku qaadeen fariisin Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degaanka Buula Mareer oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

4/5/2018 5:37 AM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL)–Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo xalay khudbad ka jeediyay munaasbad lagu xusayay 5 sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii Jubbaland ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay baarlamanka dowaldda Soomaaliya.

4/5/2018 5:02 AM EST
Arbaco, April, 05, 2018 (HOL) – Golaha Ammaanka oo Arabacadii shalay yeeshay kulan ayaa waxaa ay falanqeeyeen weerarada xoogagga ururka Al-shabaab ee ka dhanka ah fariisimaha ciidamada Midowga Afrika ee AMIOSM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

4/5/2018 2:42 AM EST
Arbaco, April, 05,2018(HOL)–Waxaa wali xiran Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho Soomaaliya, waxaana jira ciriiri ka dhashay wadooyinkan xiran.

4/5/2018 1:01 AM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL)–Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Australia ayaa waxa ay sheegtay wadamada Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed iyo Iran in ay ka saartay Liiska waddamada ka faa’ideysan kara mashruuca Bani’aadamnimo ee dadka soo galootiga ah ee ay dib u dejinta u sameeyaan.

4/5/2018 12:40 AM EST
Khamiis, April, 05, 2018 (HOL)–Taliyaha ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa ka hadlay dhacdadii shalay ee xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay in uu baaqdo kulankii Baarlamaanka.