Sabti, September, 23, 2017 (HOL) – Dibadbaxan oo ay ka qeybgalleen mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Cadaado ayaa lagu taageeray go’aankii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ka qaatay qalalaasaha wadamada Carabta.
Dibadbaxan oo ay soo qabanqaabiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobolleedka
Galmudug ayaa dadki ka soo qeybgallay waxaa ay siteen boorar ay ku qornaayeen hal
ku dhigyo lagu taageerayay go'aanka madaxweyne Xaaf.
Wadooyinka magaalada Cadaado ayeey socod ku soo mareen banaan baxayaasha oo u
badnaa haween iyo carruur, iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ku soo dhaweynayeen go’aanka ka soo baxay
madaxtooyada Galmudug..
Go’aanka madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa waxaa ku kala
qeybsamay mas’uuliyiinta dowlad gobolleedka Galmudug oo qaarkood ku sheegay
tallaabadaa mid madaxweynaha u gaar ah laakiin aan quseyn maamulka intiisa
kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]






