Sabti, September, 23, 2017
(HOL) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr
Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Beledweyne kulan kula qaataysSaraakiisha
UN-ka ee Xafiiska Magaalada Beledweyne, Waxaana kala hadlay xoojinta wax ka
qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen
horumarinta iyo dib u dhisa Hirshabelle.
Ugu horeyn saraakiisha uu kulanka la qaatay ayaa ugu hambalyeeyay mas'uuliyada ulus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana ay
muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta dowlad goboleedka Hirshabelle iyo madaxweynaha cusub.
Saraakiisha ugu sareysa Xafiiska UN-ka ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne
ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha howlaha ay ka qabteen
Hirshabelle, iyo qorshayaasha horyaala in ay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin
horumarinta kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle, iyo
arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka
hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala
dhexeeya hey'adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala
shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka islamarkaana looga jawaabi lahaa
baahiyaha deg dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle.
Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay
in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga
baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo ay soo
gudbin doonto dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.
Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay waxyaabihii lagu
balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo kale waxaa ay isla
garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale
ah oo la isku xog wareysanayo.
Mustafa Hussein
Hiiraan Online